Maxaad ka taqaanaa Janaraal MAXAMMED FAARAX CAYDIID, ninka ay ka quusteen ciidamada ugu halista badnaa dunida isuna heystay inaan cidi ka hor iman karin?
Janeraal Maxamed Faarax “CAYDIID” waxa uu 15kii Diseembar 1934kii ku dhashay magaalada Beledweyn ee xarunta u ah gobolka Hiiraan, halkaa oo uu ku barbaaray kana bartay qur’aanka kariimka ah iyo waxbarashada hoose/dhexe.
Usoo wareegidiisii Xamar
Wuxuu Xamar usoo wareegay ayadoo mararkaas koofurta soomaaliya laga wareejiyay Ingiriiskii xoogga kaga qabsaday Talyaaniga, laguna celiyay gacanta Talyaaniga oo qarammada midoobay ay dusha kaga ilaalinayso.
Isla markaas waxaa miiska saarraa oo ururkii xornimo doonka SYL, gumeystihii, qarammada midoobay iyo affartii dagaalka ku adkaatay ayaa waxa ay isla garteen in Soomaaliya muddo 10 sano ah lagu gaarsiiyo inay noqdaan waddan xor ah oo madax bannaanidiisa hanta, tobankaas sano gudohoodana lagu sii diyaariyo waxyaalihii dowladnimada lagama-maarmaanka u ahaa sida ciidan dhisan.
Towbarkiisii ciidannimo
Caydiid wuxuu kontomaadkii kamid noqday ciidankii xoogga dalka loo qoray isla markaana tababarka millatarinimo looga furay deegaanka Xamar, dhawr sano kaddib waxaa Roma-Italy loogu qaaday tababar la xiriira culuum waxbarashada saraakiilnimo, waxayna asaga iyo saraakiishii kale la socotayba dalka kusoo noqdeen sannadkii 1956kii, ayaga oo qaba qibrad waxbarasho sarkaalnimo oo laba sano ah, derajo ahaanna xiddigleyaal ah.
Nasiib darrose markaas ay imaansho hoodii waxay la koowsadeen ayada oo meesha laga saaray millatarigii, iyo xoogaagii aas aaska ahaana booliska lagu daray, markaa kaddib ayaa saraakiishii millatari ahaanta loosoo tababaray ee marxuum Maxammed Faarax Caydiid ka mid ahaa loo furay tababar boolisnimo ah oo muddo sannad barkii ah qaadatay, si sarkaalnimadii millatarinimo loogu baddalo mid booliisnimo.
Billowgii 1957kii ayaa qaar kamid ah saraakiishii booliska laga dhigay loo kala dhiibay qaar kamid ah degmooyinka koofurta soomaaliya {Italian Somaliland}, Caydiid wuxuu noqday taliyaha booliska ee degmada Xudur oo markaa ka tirnayd gobolka jubbada sare {Alto jubba} haddase lagu magacaabo gobolka Bakool.
Muddo laba sano iyo dheeraad ah wuxuu Caydiid ku shaqaynayey booliisnimo illaa laga gaarayey 12kii Abriil ee sannadkii 1960kii oo dib boorka looga jafay aas aaska xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu muddo kooban ahaa taliyaha waaxda tababarrada xoogga dalka, kaddibna wuxuu noqday xoghayaha gaarka ah ee taliyaha xoogga dalka oo markaas uu ahaa General Daa’uud Cabdulle Xirsi.
Koorsadiisa Moskow
1965-kii wuxuu kamid noqday saraakiishii Moskow loogu diray cilmi kororsiga millatarinimo, kulliyadda millatariga (Frunze Military Academy) ee magaalada Moskow ayuu kusoo bartay culuumta dagaalka, hoggaaminta ciidanka iyo xirfado kale oo dheeri ah.
Kusoo noqoshadiisii dalka kaddib wuxuu ka shaqo ka billaabay taliska dhexe ee xoogga dalka Soomaaliyeed, mar ayuuse xilli kooban ahaa abbaan duulaha qaybta woqooyi ee millatariga Soomaaliya, ayadoo taas dabadeedna lagu celiyay xarunta taliska guud ee ciidanka xoogga dalka ee magaalada Muqdisho, halkaa ayuuna ka shaqaynayey illaa uu dalka ka dhacay afgembihii millatarigu kula wareegeen awooddi dalka.
Utaxaabidii Caydiid xabsiga
Mudo kadib saraakiishii ugu sarreeyay millatarigii dalka hoggaankiisa hayey ayaa Caydiid iyo rag kaloo saraakiisha xoogga dalka ka mid ah ka dareemay inay ka biya diidsan yihiin sida ay hoggaamiyayaasha kacaanku wax u wadaan, taasna waxay keentay in Maxammed Faarax Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed loo dhaadhiciyo xabsi aanay maxakamadi ku xukumin.
Sii deyntiisa iyo kaqeyb galkii dagaalkii Itoobbiya ee 1977-kii.
Lix sano kaddib bishii Octoobar 1975kii ayaa xabsiga laga soo sii daayey, waxaana laga dhigay maareeyaha wakaaladdii dawooyinka ee (ASPIMA), wuxuuna wakaaladdaas maareeye ka ahaa illaa laga gaaray bishii Juun ee 1977-kii, markaa oo Caydiid dib loogu celiyay hawshii xifaddiisu ahayd ee ciidannimo maadaama dalku uu galay dagaalkii Ethiopia, waxa uuna ka hawl galay Taliska guud ee millatariga.
Waxbarashada
▪︎1946-1949 Dugis Hoose/Dhexe, Muqdisho, Soomaaliya
▪︎1952-1953 Dugsiga Tababarka Dhanaane
▪︎1953-1954 Dugsiga Xamar Jajab
1956-1956 Tababar Militari
▪︎1956-1960 Diploma Militari, Cesano Academy, Roma, Itaaliya
▪︎1963-1966 Diploma Ciidan, Frunze Academy, Ruushka [1]
Waaya-aragnimada iyo Shaqada
Caydiid waxaa loo magacaabay dhawr xilal oo kala duwan.
▪︎1957-1958 Taliyaha Saldhiga Police-ka Xudur, Bakool, Soomaaliya.
▪︎1958-1959 Taliyaha Qeybta Ciidanka ee Banaadir, Soomaaliya.
▪︎1959-1960 Taliyaha Qeybta Ciidanka Jubbada Hoose, Soomaaliya.
▪︎1960-1962 Taliyaha Tababarka Dhexe ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya (Forte Bottego/Xalane).
▪︎1962-1963 Taliyaha Hawlgelinta, Tababarada & Sahanka Ciidamada Xoogga Soomaaliya.
▪︎1963-1966 Wakiilka Ciidamada Soomaaliya u Jooga Ruushka.
▪︎1966-1968 Taliyaha Hogaanka Abaabulka & Hawlgelinta.
▪︎1968-1969 Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Qeybta Waqooyi.
▪︎1969-1975 Maxbuus Ku Xirnaa Xabsiga Mandheera, Soomaaliya.
▪︎1975-1977 Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Aspiima.
▪︎1977-1978 Taliyaha Tababarada Militariga ee Xarunta Hiilweyne, Shabeelada Dhexe, Soomaaliya.
▪︎1977-1978 Taliyaha Tababarada Militariga ee Xarunta Hiilweyne, Shabeelada Dhexe, Soomaaliya.
▪︎1978-1978 Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya.
▪︎1978-1982 La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada & Amaanka.
▪︎1982-1984 Taliyaha Guud ee Hawlgelinta Ciidamada Gobolada Waqooyi & Gobolada Dhexe.
▪︎1984-1989 Safiirka Soomaaliya ee Hindiya.
▪︎1990-1991 Aasaase Jabhaddii Midowgii Isutaga Soomaaliyeed ee United Somali Congress (USC).
▪︎1992-1993 Aasaase Jabhaddii SLM, kuna Midoobeen Jabhadaha USC, SPM, SDM, SSNM, SAMO & SNU.
▪︎1992-1994 Hogaamiye Kasoo Horjeeday, Lana Dagaalamay UNISOM & UNITAF.
▪︎1994-1996 Madaxweynaha Maamul Loogu Magacdaray Sal-Balaar [2].
Buugaagta uu Qoray Caydiid
General Maxamed Faarax Caydiid waxa uu qoray Buugaag fara badan, waxaana ka mid ahaa mid uu qoray 1983-kii oo uu magaciisu ahaa The Harbinger Of Hope In Somalia (A Brief Profile) iyo mid kale oo uu 1988-kii qoray oo la yiraahdo The Manifesto New United Somali Democratic Organization (NUSDO).
1988-kii ayuu sidoo kale qoray buug lagu magacaabo The Preferred Future For Somalia , iyada oo uu 1988-kiina qoray buug kale oo la yiraa The Revival Somali History, Culture and Civilization, waxaana uu Jenanku buug kale oo la yiraa Democracy in Somalia: Its Roots and Future uu qoray 1989-kii.
Buugaagta kale ee uu qoray waxaa ku jira mid lagu magacaabo Recent Up Rising Of Somali People, oo uu soosaaray 1989-kii iyo mid uu qoray isla 1989-kii oo uu isna oo magac uga dhigay The Latest Deceitful Move By The Dictator Siad Barre (Pamphlet). 1989-kii waxa uu Caydiid qoray Buugga la yiraa Somalia and Ethiopia and War Plan Manual.
Maxay kala yihiin buugaagta uu Qoray?
▪︎1983 The Harbinger Of Hope In Somalia (A Brief Profile)
▪︎1988 The Manifesto New United Somali Democratic Organization (NUSDO)
▪︎1988 The Preferred Future For Somalia
▪︎1988 The Revival Somali History, Culture and Civilization
▪︎1989 Democracy in Somalia: Its Roots and Future
▪︎1989 Recent Up Rising Of Somali People
▪︎1989 The Latest Deceitful Move By The Dictator Siad Barre (Pamphlet)
▪︎1989 Somalia and Ethiopia and War Plan Manual [3]
Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid.
Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare.
Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.
khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen.
Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid ayaa yiri, “Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yiri Cilmi.
Caydiid waxa uu u arkayay in uu isagu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo lasoo dagaallamay Siyad Bare, sida uu sheegay Webi.
Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa naleeshiyaad kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.
Ku biiristii Jabhada USC iyo midowgii Jabhadaha.
General Maxamed Faarax Caydiid waxa uu 1990-1991-kii kamid ahaa Aasaasayaashii Jabhaddii Midowgii Isutaga Soomaaliyeed ee United Somali Congress (USC), iyada oo uu 1992-1993-kii haddana markale ka mid noqdya Aasaasayaasha Jabhaddii SLM, oo ay ku Midoobeen Jabhadaha USC, SPM, SDM, SSNM, SAMO & SNU.
1992-1994-kii Waxa uu Caydiid ahaa Hogaamiye Kasoo Horjeeday, Lana Dagaalamay Isbahaysigii UNISOM & UNITAF, ee ay Qaramada Midoobay sheegtay in lagu badbaadinayo Soomaaliya, halka 1994-1996-kiina uu Caydiid Madaxweyne ka ahaa Maamul Loogu Magacdaray Sal-Balaar.
Ladagaalankii Mareykanka iyo dhimashadii Ceydiid
Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.
Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxaa marakaasi bilowday howlgalkii burburinta soomaaliya. Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”.
Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.
Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.
Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.
Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.
Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.
3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.
Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.
Soo ridistii diyaaraddihii BlackHawk
50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.
Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaana loo diray si loo soo badbaadiyo. Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).
Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday. Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimadana gaabis ayaa ku yimi.
Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.”
Ugu dambeyntii dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filimkii beenta iyo borobagaandada ee lamagac baxay “Black Hawk Down”. Mareykanka iyo xulufadiisuba waxay ku guul dareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraal Maxamed Faarax Ceydiid. Bishii March, 1994-kii waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya. 1 bishii August , 1996-kii Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.
Add a Comment