Waxay ku beegnayd casrigii afgembiyada militari ee ugu badnaa ay ka dhaceen Afrika, sidaasi awgeed la yaab badan maysan lahayn maalintii Soomaalida ay ku waa bariisatay ciidammada la wareegay xarumihii dowladda, raadiyahana ka iclaamiyeen in uu kacaan ka dhashay dalka.
Sheekada wixii maalintaas dhacaya uma fududa sida ay u shanqarayso. 21-kii Oktoobar waxa ay dhashay 21 sano oo xukun military ah, kaas oo gaaray bugcad kasta oo Soomaaliya ka tirsan laga soo bilaabo jasiiradda Suqadra ee babul mandebka illaa Kulbiyoow oo xaarxaarka ah, sida ku xusan taariikhda laga qoray dowladdii kacaanka.
Xummaan iyo samaan, marka kafadaha miisaanka la saaro, waxa ay ku xirantahay hadba qofka aad la hadashid, iyo xagasha aad ka eegtid, waxaase la’isku wada raacsanyahay in aysan jirin dowlad la mid ah oo Soomaaliya soo martay, taas oo dabcan wanaageeda iyo dhaliisheedaba wadatay.
Soomaalida waa tii tiri “xabaali bud-dhige la’aan ma qodantee” waxaa kacaanka bud-dhige u ahaa, balagana u siday Jaalle Maxamed Siyaad Barre, nin 1969-kii ka hor aan wax badan laga aqoonin, ka sokoow in uu ahaa taliyihii ciidanka xilli xukunka rayidka ay tiirarkiisa dhidibada u aasnaayeen.
Danjire Cabdikariim Aw Cali wuxuu ahaa dublumaasi muddo dheer ka shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, isaga oo dalal dhawr ah oo uu Maraykanka ka midyahayna safiir kasoo noqday. Taasi ka sokoow wuxuu ka midyahay qoyska iyo qaraabada Siyaad Barre, BBC-da ayuu u sharxay shaqsiyaddii Siyaad Barre waxa ay ahayd.
“Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa nin waddani ah oo ay Soomaalinimadu ku weyntahay, oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa, ujeedkiisu ahaa in ummadda Soomaaliyeed ay ka baxdo jahliga iyo tacdarada”, ayuu yiri.
Kacaanka wuxuu ku biloowday si dardar leh oo Soomaalida iyo adduunkuba ay la fajaceen, balse waa aragtiyaddii gumeysi-diidnimada iyo Soomaaliweyn-doonnimada waxyaabihii yeeshey saamayntii ugu badnayd gudo iyo dibadda.
Falsafadda lagu shaqaynaayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.
Balse ma ahayn fikrado mutaxan kaligood, waxaa hareer socday arrinta loo yaqaano hanti-wadaaggii sancada ama scientific socialism, iyada oo Soomaaliya laga hirgaliyay warshadihii ugu badnaa, lana dhisay ciidankii ugu tayada badnaa. Waxaa sidoo kale la fidiyay adeegyadii ugu balaarnaa ee ay dowladi bixiso, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.
Mashaariicdii ugu waaweyneyd waxaa ka mid ahaa bacaadcelintii Shalanbood iyo ololihii farta Soomaaliga, lagu fuliyay ka qeybgalin dadweyne tii ugu baaxadda weyneyd abid, sida lagu qoray buugaagta taariikhda qaar ka mid ah.
Ka qeybgalintaasi dadweynaha ayay u egtahay in Siyaad Barre uu si gaar ah u fahamsanaa awoodda shacabka, gaar ahaan dumarka oo wixii markaas ka horeeyay guryaha iska joogay iyaga oo gacmaha u shakaalanyihiin.
Siyaad Barre oo qudhiisa oo ka hadlay arrintaas ayaa yiri “Markii hawl iyo hanti wadaag ay dhalatay, waxa yimid fikir ah dadku waa simanyihiin, rag iyo dumar waa simanyihiin, haddii cilmi ahaan loo baaro, qof walba waa intii Alle galshay”.
Dowladdii kacaanka waxay ahayd middii ay si isku mid ah isha ugu hayaan dowladaha adduunka gaar ahaan quwadihii waaweynaa ee Waarso iyo Nato, xiligaas oo uu socday dagaalkii qaboobaa ee adduunka ee dalalka uu midba midka kale uu miji xaabinayay.
Haddaba maxay ku dhisnayd siyaasaddii arrimaha dibedda Soomaaliya? waakan markale Danjire Cabdikariim Aw Cali oo muddo dheer kasoo shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibedda oo ka jawaabaya.
“Markii uu kacaankii dhashay Soomaaliya waxay lahayd 9 safaaradood, markii ay dowladda burburtayna Soomaaliya waxa ay lahayd 50 safaaradood oo aysan ku jirin qunsuliyadaha, marka siyaasadda arrimaha dibedda waxay ku salaysneyd in ummadda Soomaaliyeed loosoo celiyo sharafteedii. Tan ugu muhiimsan waxa ay ahayd in la xoreeyo, lana taageero dhaqdhaqaaqyada gobonimo doonka ah ee Afrika ka jiray iyo in la dhiso siyaasad wax ku ool ah oo wax u tarta Soomaaliya”.
Waxaan marnaba muran ku jirin ilaa maanta sidii dowladdii kacaanka ay uga jibo keentay kasbashada Ra’iyul caamka, iyada oo hawlgalisay qalabkii warbaahinta ugu xoogga badnaa ee maqal iyo muuqaal ah.
Axmed Siciid Cigge wuxuu ahaa warfidiyeen muddo dheer kasoo hawlgalay qeybihii kala duwanaa ee warbaahinta dowladda sida Raadiyoow Muqdishoow.
“Warbaahinta waxa ay ka koobnayd Radio Muqdisho, wakaaladda wararka SONNA, wakaaladdii filimada, madbacadda qaranka, labadii wargeys ee Xidigta Oktoobar iyo Najmatul Oktoobar, iyo tiyaatarkii qaranka”, ayuu yiri Cige.
Wuxuu intaa ku daray: “Idaacadda Raadiyo Muqdisho waxay ahayd idaacad weyn oo illaa Ruushka iyo Bariga Dhexe laga dhagaysan jirey, waxayna ku shaqayn jireen hirgelinta hadafyadii kacaanka, wax mucaarad ahna ma aysan jirin”.
Xagga garsoorka haddii aan u weecano, halkaas oo ay dad badan gocasho ka qabeen, Maxamed Siyaad Barre isagu waxaa maankiisa ka guuxayay markii uu xukunka la wareegayay? Waakan isaga oo hadal u jeedinayay garsooreyaal shir loo qabtay, biloowgii kacaanka.
“Ma ogolaan karo qof shan saac shaqo tagaya, dadna u xaraysann yihiin oo uu xabis ugu jiraan, mana ogolaan karno xoriyadda duminta ah. Waxaan doonaynaa in Soomaali ahaan aad shaqada u kacdaan, una fulisaan, feelalka badan ee is dulsaaranna aad kala fududeysaan.”
“Waxaa horteyda fadhiya Col Maxamed Cali Sharmaan oo ah madaxa maxkamadda ciidanka, labo sano ayuu joogaa, maxkamadda aniga ayaa madax u ahaan jirey, weeydiiya in aan waligeey ku iri nin siidaa, waxaan aaminsanahay caddaaladda, sababtoo ah sharciga waa in uu ka sareeyaa nin kasta”, ayuu yiri.
Balse Jabhado hubeysan oo tirsanayay waxyaabo siyaasadeed ayaa helay tageero, waxayna gudahana u soo galeen caasimadda Soomaaliya 1990-kii illaa ay kursiga ay ka tuureen Jaalle Siyaad, Bishii January 1991-dii.
Madaxweyne Siyaad Barre oo markan ay u muuqato in talo farihiisa ka haaday ayaa shacabka kala hadlay raadiyaha, wuxuuna jeediyay khubad taariikhda gashay, waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee uu jeediyo isaga oo madaxweyne ah.
“Waxaan u jeedinayaa shacbiga Soomaaliyeed, isdilkan faa’iido uu keenayo lama arko, tan labaad oo kasii daran ayaa ah boobkan iyo bililiqadaan, iyo jideysiga xoolaha dadka masaakiinta ah. Waxaan u jeedinayaa shacbiga Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan waxyaabaha dhacaya”.
Add a Comment