axmed gurey

Axmed Gurey

Axmed Gurey, Halyaygii Iska Caabbiyay Duullaankii Burtiqiiska

W.Q. Ufuk Necast (Tashji), PhD candidate, Turkey. Maqaalkani waxaa hore u daabacay wargeyska TRT World Magazine, ee Turkiga 21.1.2020

Axmed Gurey wuxuu ahaa haggaamihii ku fidiyay afar dalool saddex dalka Itoobbiya xukunkii imbradooriyadda islaanka u badnayd ee Adal [Ama Cadal] ee jirtay 1529-43kii. Inkastoo idiinta slaanka ay soo gartay Itoobbiya qarnigii 7aad ayna saameysay  qabiillada raacatada ahaa oo hareeraha Badda cas degganaa, si aad u qunyar ayay ugu fidday berriga gudaha Itoobbiya isagoo u gudbay  bariga iyo koonfurta dalkaas. Kaalinta Axmed Guray waa mid aan lala simi karin marka laga hadlaayo caabbinta duullaanka Burtiqiiska ee aaggan.

Inta u dhexaysay qarniyada 14aad iyo 15aad islaamka si tamar leh ayuu ugu faafay qaaradda Afrika, halkaaso xoogaggii horey u jiray ay ka dhigen wax caadi ah addoonsiga. Hoggamiyayaal muslin ah ayaa soo baxay, kuwaasoo si daran uga soo horjeestay nidaamka xoogagga hore ee duugga ahaa. Boqortooyada masiixiga ah ee Itoobbiya waxaa u xusulduubay hoggaamiyayaal muslim ah oo damcay inay qabsadaan waddada gancasiga oo iskuxirta aaggan iyo Badda cas. Axmed Gurey wuxuu taariikhda ku galay hoggamiyie geesi ah oo ka soo horjeestay boqortooyada duugga ah Itoobbiya iyo taageeraheeda koowaad ee  Imbraadooriyadda Burtuqiiska.

Axmed gurey oo loo yiqiin fitaaxiyihii  (Al Ghazi) wuxuu ahaa geesi adag oo la dagaallamay Cristovao da Gama oo ahaa wiilkii Bortiqiiska caanka ahaa ee Vasco Da Gama.

Halka uu Cristovao da Gama uu usoo hiiliyay Lebna Dengel, boqor weynaha Itoobbiya; imbiradooriyadda cilmaaniyiinta [ee Turkiga] waxay xooggeeda saartay taageerada Axmed Gurey.

Ka sokow inuu ahaa abbaanduule waaya-arag ah Axmed Gurey wuxuu ahaa guud ahaan  Imam hufan o caaddil ah oo ka talinaayay aagga Cadal. Magiciisoo ebyoon wuxuu aha Ahmad ibn Ibrahim al Ghazi. Gurey waxay ahayd naanaystiisa oo tilmaamaysa inuu ahaa ruux gacanta gurta adeegsada [Ama laba midigle.]

Axmed Gurey wuxuu ku dhashay Seylac [Zeila] oo ah goob ku taal waqooyi bari Soomaaliya oo ka tirsanayd Cadal oo waagaas ka tirsanayd boqortooyada Sulaymaaniga [Nabi Suleymaan ku abtirsata] ee Itoobbiya. Afadiisu waxay ahayd Bati del Wambara, oo ahayd gabadhii Maxfuud taliyaha Cadal, kaasoo la dilay 1517kii isagoo ka soo noqday dagaal uu kula jiray boqor Dengel, arrinkaasoo u sababy sanooyinkii xigay Saladanadda Cadal fowdo iyo burbur.

Tobaneeyo sano ka dib, Axmed Gurey wuxuu Cadal kusoo rogay xasillooni iyo hab wanaagsan, isagoo ku duulay Itoobbiya 1529kii. Maaddaama uu ahaa abbanduule adag lahaana aqoon habka dagaal ee Cusmaaminiyiinta, wuxuu ku dhiirriggeliyay ciidamadiisa geesinimo iyo adkaysi. Waxaana ku jiray ciidamadiisa tiro xoog leh oo Turki ah.

Sannadku markuu ahaa 1531kii, Axmed Gurey wuxuu ku guuleystay inuu jabiyo qayb ka mid ah  xoogaggii Dengel, isaga oo horey usii durkay. Bisha Oktoobar wuxuu galay Tigray isagoo jabiyay haraagii ciidamada Dengel.

Haseyeeshee, dagaalku wuxuu socday taniyo 1543kii, sababtoo ah Bortuqiiska waxay 1541kii soo dhigeen ciidamo hor leh furdada Masawac ka dib markii la caleemasaaray boqor Gelawdewos oo ka dambaysay dilkii Dengel.

Ciidamada bortuqiiska waxaa hoggaaminaayay Da Gama oo ay Axmed Gurey isku heleen fool ka fool bishii Abril 1542kii. Is araggaas xabbad joojin ma keenin maaddaama Da Gama uu ku duway ciidamadiisi kuwa Axmed Gurey.

Da Gama wuxuu ku guulaystay iska-caabbinta madafiicdii Gurey, xitaa wuxaa u suurtaggashay inuu Axmed Gurey lugta kaga dhaawaco xabbad dool ah.

Da Gama wuxuu damcay inuu durbadiiba ku duulo saldhigga ciidamada Axmed Gurey isaga oo rajaynayo inuu hilfaha u qaadi karo jananka dhaawacan. 1543kii ayuu duullaankaas ku qaaday saldhigga Axmed Gurey isagoo adeegsaday dab xad dhaaf ah, kaasoo jahawareeriyay ciidamada fardooleyda ah ee Axmed Gurey. Askar bandan baa dagaalkii ka carartay baqdin awgeed.

Da Gama wuxuu taageero ka helay Eshaq, taliyaha Mdere Bahri oo maanta loo yaqaan Eritrea, wuxuuna dabaggalay ciidamadii Gurey. Robab awgood uma aysan suuro gelin inay is-helaan mar saddexaad Axmed Gurey, haseyeeshee, wuxuu ku negaaday agagaarka harada Ashenge wuxuuna xarun ka dhigtay meel la yiraahdo Wolfa oo looga jeedo ciidamada kale.

Jabkaas ka dib Axmed Gurey wuxuu ka helay dalka Carabta 2000 oo qori. Boqortooyad Cusmaaniyiinta waxay ku taageertay madaafiicda riddada dheer waxayna ku xoojisay in  ka badan 900 askari oo tababar qaba.

Markan Da Gama wuxuu kusoo baxay nin laga xoog badan yahay maadaama ay usoo hartay 300 qori oo qura. Jugtii horeba ayay u adkaysan waayeen badi askartiisi dablayda ahayd. Roobabka markay istageen yuu Axmed Gurey weerar ku qaaday xaruntii Bortuqiiska, halkaasoo uu ku xasuuqay badida askartii Da Gama. Xitaa Da Gama wuxuu ku dhaawacmay dagaalkaas kadibna ku dhintay.

Bishii February 1543kii haraagii ciidamadii Da Gama iyo boqor Gelawdewos ayaa si kedis ah ugu soo qaaday weerar Axmed Gurey, kasoo u dhintay xabbaddii Burtiqiska.

Afadii Axmed Gurey Bati del Wamabara oo ay u suurto gashay inay isaga baxsadaan aagga dagaalka iyada iyo dhowr askar oo Turki ah. Waxay ku noqotay Harar oo ka doontay taageero. Waxay guursatay Nur ibnu Mujahid ahna ninkii beddelay Axmed Gurey oo ogolaaday inuu u aaro Axmed Gurey.

Intii u dhaxeysay 1554-1555kii, Nur ibn Mujahid wuxuu dagaal ku qaaday bariga Itoobbiya. Wuxuu qabsaday Fatagar, wuxuuna dagaal kharaar ku dilay boqor Galawdewos.

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Mareegta Culuumta.com. Masawirka: TRT WORLD ayaa laga soo amaahday.

2 Responses

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *