Somalization of syria

Waa maxay Somalization

Somalization | Somaliya ayaa astaan u ah xumaan walba oo ay dowlad geli karto!.

Dalkeenii (Ciraaq) waxa uu isu rogay Soomaaliya… oo ay ku hoos nool yihiin shisheeyuhu.” Waa erayo ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dibad-baxayaal ciraaqiyiin ah oo aad uga xumaaday horraantii bishii October ee sanadii 2019 kii oo ay kaga cabanayeen shaqo la’aan, adeeg-yarida bulshada iyo musuq-maasuq baahsan. Arinkaan oo lagu faafiyay barta Twitter-ka ee Somali News Updates, ayaa iftiimisay aragtida ay dunidu ka qabto Soomaaliya oo ah qorshe lagu dhisayo dawlad fashilantay. Mid ka mid ah Soomaalida isticmaala Twitterka oo lagu magacaabo Ayan Aden, ayaa faallo ka bixisay iyadoo tiri, “Waan ka daalay sida adduunku noo arko, waxaa la gaaray xilligii aan joojin lahayn dagaalka aan nafteena kula jirno oo aan dib u dhisno. “Buuqa Twitter-ka ee Soomaalida kale ayaa keenay qoraalkan ra’yiga ah, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu iftiimiyo sida ay fikradda u kobacday, sida loo adeegsaday muddo ka dib iyo sababta Soomaali ahaan ay tahay in aan dib u soo ceshano oo aan dib u qeexno.

Waa maxay micnaha Somalization?

Ereyga somalization waa erey Soomaaliya ku tacluqa. Somali + zation = Somalization (Soomaaliyeen), Maqaalkan ayaan ku faahfaahin doonnaa fikradda.

Asalka fikradda iyo tusaalooyinkeeda

Isticmaalka hore ee fikradda waxa ay soo jeedinaysaa in loo adeegsaday in lagu dhiirrigeliyo Soomaalida xilalka ka qabta dawladda dhexdeeda xilligii gumeysiga.

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib, fikradda waxaa loo adeegsaday in lagu qeexo waddan lala xiriiriyo burbur, qalalaase, hoos u dhac ku yimaadda “qabqablayaal dagaal,” dagaal beeleedyo iyo dawlad la’aan.

Tilmaamahan ayaa dhamaantood ka jiray Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa isbarbardhigga qaar badan oo marmarsiiyo u ah. Qoraal ra’yi ah oo uu ku qoray wargeyska Huffpost, ayuu Attali ku qeexay “Somalization” inay tahay “Dhacdo qarow u ah adduun-weynaha, marka ay timaado iyadoon sharci, boolis iyo cadaalad toona jirin”.

Fikradda waxaa la adeegsaday 1990-meeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii si loogu qeexo dalal kale oo ka dhacay dagaallo sokeeye sida Soomaaliya. Tusaale ahaan, bishii Oktoobar 1999-kii, siyaasigii reer Kongo iyo hoggaamiyihii hore ee Rally for Congolese Democracy-Goma (RDC-Goma) dhaqdhaqaaqa fallaagada (rebel) wuxuu uga digay kooxaha kale ee fallaagada ah “Dhaqdhaqaaqa ma aqbali karo in la soomaaliyeeyo (somalization) dalka.”

Bishii Maarso 2001dii, warbixintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan geeddi-socodka nabadda ee Burundi, waxay warbixintu xustay digniinta dawladda Burundi ee ah “fiiri somalization iyo gobolaynta colaadaha” . Inta badan wadamada Afrikaanka ah ee ay wajahaan dagaalo sokeeye ayaa lagu tilmaamaa inay qarka u saaran yihiin Somalization.

Fikradda ayaa sidoo kale loo adeegsaday in lagu qeexo budhcad-badeednimada Galbeedka Afrika ee NATO 2011kii markii dhacdooyinka budhcad-badeednimada laga soo sheegay gobolka. Ereygan ayaa sidoo kale loo adeegsaday budhcad-badeedda baahsan ee ka jirta xeebaha Soomaaliya tan iyo horraantii 2000-aadkii.

Kacdoonka Carabta iyo nacaybka Soomaali-nimada (Somalization)

Ka dib kacdoonkii Carabta ee ka dhacay wadamo kala duwan oo ku yaala Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, fikradda somalization waxaa si weyn u soo shaac bixiyay aqoonyahanno iyo siyaasiyiin. Wadamada sida aadka ah u saameeyay waxaa ka mid ah Syria,Lybia iyo Yemen, waxaana Somalization marar badan loo adeegsaday siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo xitaa wakiilo ka socday Q.Midoobe si ay u sharaxaan xaalada wadamadaas.

Lakhdar Brahimi, oo ah diblumaasi u dhashay dalka Aljeeriya, ahaana ergeygii hore ee gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, ayaa 2012 kii ka digay Somalization of Syria oo ay dagaal oogayaal kala duwani ku dagaalami doonaan xukunka. Yigal Palmor, afhayeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa walaac la mid ah ka muujiyay dagaalka sokeeye ee Suuriya in la Soomaaliyeeyo, isagoo rajaynaya in ay soo baxdo awood dhexe oo xukumi doonta dhammaan Suuriya.

Dalka Liibiya ayaa sidoo kale lagu tiriyaa in uu yahay dal Soomaaliyoobay (somalized) tan iyo markii la afgambiyay hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Mucamar Al-Qadaafi, halkaasi oo kooxaha hubeysan ay si xor ah ugu safri jireen dalkaasi. Welwelkaas oo kale ayay falanqeeyayaasha ka sheegeen qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay kacdoonkii Carabta ee dalka ka dhacay iyo ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalkaas Jamaal Bin Cumar.

Waxaa looga digay hogaamiyeyaasha siyaasadda heshiis ay tahay in dhammaan dhinacyada ay wada aqbalaan ama “Burbur iyo soomaaliyeen dalka”

Muddadaas oo ay qaar ka mid ah dalalka Carabta ka socdeen dagaallo sokeeye, Soomaaliya waxay u istaagtay sidii ay uga digi lahayd dhinacyada ay khusayso dhibaatooyinka ka dhalan kara dagaallada sokeeye iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ay ka mid yihiin fashilka dawladnimo, khalkhal la’aan, naf la’aan iyo burburinta hay’adaha dawladda.

Mudaaharaadyada Ciraaq ee socday iyo kuwa kale

Ciraaq ayaa waxaa ruxay maalmo mudaaharaadyo ay dhigayeen dad u badan dhallinyaro ay ku dalbanayeen in la xakameeyo musuqmaasuqa, horumarinta adeegyada bulshada iyo la dagaallanka shaqo la’aanta. Mudaaharaadyada ballaaran ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof oo mudaaharaadayay.

Mudaaharaadku oo dhex marayey muuqaal la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa muujinayay dibadbaxayaasha oo ka cabanaya in dalkooda la Soomaaliyeeyay, taasoo ka careysiisay Soomaalida Twitter-ka.

Dadka qaar ayaa la yaabay sida dal Ciraaq oo kale ah – laftirkiisuna ku caan baxay dagaalladii sokeeye, argagixisanimada, kooxaysiga iyo burburka – uu weli Soomaaliya u isticmaalo naqshadda ugu xun ee soo wajihi karta. Kuwo kale ayaa taas bedelkeeda ka door biday inay xasuusiyaan walaalahooda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta sida loogu baahan yahay inay midoobaan oo ay dalkooda dhistaan ​​oo ay wax ka beddelaan sheeko-xariireedka Soomaaliya intii ay ku mashquuli lahaayeen siyaasado isdiidan oo horumarka dalka ka leexinaya.

Soo celinta iyo dib u qeexida Somalization

Sida laga wada hadlay, Somalization-ka fikrad ahaan waxa ay ka soo baxday in lagu tilmaamo in Soomaalida lagu soo daray jagooyinka sare ee dowladda xilligii gumeysiga, iyadoo la qeexayo dal ay ka jiraan dagaallo sokeeye, khalkhal siyaasadeed, qas, dagaal-ooge iyo mararka qaarkood budhcad-badeednimo.

Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro ballaaran oo ku aaddan nabadda, ciribtirka qabqablayaasha iyo ka hortagga dagaallada qabaa’ilka, haddana waxaa loo arkaa tusaalaha ugu wanaagsan ee lagu qeexi karo waddamada ay wajahayaan mowjado cusub oo dagaallo sokeeye ah. Soomaalidu waxay ku socotaa inay beddelaan sheekada sida loo arko Soomaaliya.

Sida la arkay, Somalization-ka fikrad ahaan waxa dib loo qeexi karaa macne kale. Soomaalidu waa in ay dib u soo ceshato fikradda ah in ay astaan ​​u tahay nabad, dimuqraadi ah, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo wada dhan yahay.

2 Responses

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *